mawliikda n.c.s.w.
hassan albasri
sheikh hassan albasri
important iform.
picturs
same of sunnalinks
history1
history 2
mawlid nabi
hor-udhac
al-ma'muun school
Sheikh Abukar H.malin
xagjirnimo
martida
Guest Book
maxkamadaha islamiga
saxafadda
DRhersi iyo fatwada
soomka
qabyaaladda
subac.qur'an
T.SH.UWEYS
caqiido
tartan
shirararka ah.
My Photos
Dhalashada Nabigeena Mohamed CSW. In la Weyneeyo Shareecada Islaamka Maxey ka qabtaa?? Sh: Hasan Albasri { 13 Mar 2008} |
| waxaa la daabacay Thu 13 Mar 2008 09: 22: 25 |
Fadlan:- Waaa ay socotaa hambalyada bisha mowliid ee Kusoodir hambalyadaada e-mailka ah E-mail xalbisri2@hotmail.com Soonaraaci magaca iyo meesha aad joogto iyo e-mailka Jawaabta sidegdeg ah ayay kuusoogaareesaa walaal adoomahadsan.
Hambalyo Hambalyo Hambalyo Waxaa dhamaan muslimiinta caalamka oo dhan gaar ahaan muslimiinta somalida ee kalajooga daafaha caalamka aan ugu hambalyeeneenaa dhalashada bisha barakada badan ee uu dhashay n.m.c.s.w waxaan leenahay.... (كـــــــل عــــــــام وأنــــــتم بخـــــــير) Hor-udhac Ilaah ayaa mahadleh oo noohibeeyay nabi muxamad oo ah raxmaddii caalamka oo dhan s.c.w loosoodiray waxaa fiicneed in lawada xuso n.c.s.w. oo nicmidaan ilaah nasiiyey aan lagu furin fowdo laakiin madhicin dhawaana ayaa dhalinyaro xamaasadeesan ey islaamk meel uu joogaba kufureen mowjado qas iyo qalaaqal wata taasoo aan saamixin in laga aamuso oo waa ay fiicneed in lagu mashquulo mushkiladaha muslimiinta sida ciraaq, iyo af-qanistaan iyo somaliya iyo kuwakaleba oo ah waajibaad nasaaran laakiin kadib markii aan arkay in sidaas umaddii ey kuqasayaan ayaa waxaa waajib noqonaya in ladifaaco xaqqa iyo islaamkaba .. Dabaaldaga waa maxay ? waa in laweyneeyo shakhsiyadda n.m.c.s.w. oo caalamka usoobaxday maalin isniin ah bishuna ey tahay 12kii rabiicul-awal ,waxaana dabaaldagu uu macana ahaan noqonayaa in laweyneeyo ramzigii islaamk oo ah n.m.c.s.w. taasoo ey kufarxeen dhamaan makhluukhaatkii ilaah uu abuuray oo dhan marka maxaa noodiiday in aan udabadagno sidaana waxaa leh " imaamu mutawali shacraawi ' oo ah sheekh masari maalintaas isniinta ah ayuu dhashay n.m.c.s.w sida uu n.c.s.w. uu kuleeyahay )xadiithkan ذاك يوم ولدت فيه وأنزل علي القران ) .kadib markii laweydiiyay soomka khaaska ah ee maalinta isniinta ah .. Caado wanaagsan Somalida waxaa dhaqankeeda kamid ahaa in Mowliidka Nabiga (NNKH) laga aqriyo jimco kasta masjidyada iyo guryaha marka bisha mowliidkana sidookale ayaa lagu aqriyaa masjiyada iyo guryaha iyo dugsiyada oo marka 12ka rabiicul awal aytahay ayaa lakhatimaa sida loobadanyahay kuwana waa ay siiwadaan oo illaa iyo dhamaadka bisha ayay gaarsiiyaan xafladaha * SHARAXA XADDIITHKA BIDCADA قال صلي الله عليه وسلم :- ( إياكم ومحدثات الأمور فإن كل محدثة بدعةوكل بدعة ضلالة وكل ضلالة في النار ) Culimada ayaa kujawaabay in eryga kulli oo macnihiisu uu yahay "dhamaan" uu faa'iideenayo cumuum ee uusan faa'iideeneen khusuus sida aayadda ilaah uu kuleeyahay ( يأخذ كل سفينة غصبا )) ama aayadda kale ee ah تدمر كل شيئ بمر ربها) mana aysan burburinin samooyinkii iyo dhulkii hadalkaana waa lamid oo bidcada qeeb kamid ah ayaa ah bido sunna ah sida culimada ey qabaan badankood .. 1.. imaamu nawawi…2.. imam beehaqi…3.. imam shaafici 4. imam ibnu-xajar al-casqalaani iyo imaamu ibni rajab iyo culimo kale oo waxa ay uqeebiyeen bidcada dhowr qeebood oo kala ah 1. bidco mubaax ah 2. bidco sunna3. bidco muxaram ah waxaana jira umuuro hal iyo labo aan aheyn oo uu san suubin n.m.c.s.w.oo ay suubiyeen asxaabtii ama taabiciyinta oo shareecada waafaqya . sida jamaacada …taraawiixda iyo qur'aanka oo la'aruuriyay aadanka hore ee jumcada iyo umuurokale oo kheyr uu kujiro .. SAXAAFADDA DENMAARKA Sirar badan ayay kashimay saxaafadda denmaarka oo aan kaxusikaro :- 1- jawaabta muslimiinta ey baxsheen manoqon mid kaafisa denmaark oo kajoojisa falka foosha xun oo uu kutilmaamay nidaamka dalkaas in uu yahay (freedom of expression) arrinkadhalatay oo iskacaadi ah halkaas ayaan kafahmikaraa in reer yurub iyo dalalkalaba ey aamisanyihiin sidaas oo sharafta n.m.c.s.w sidaas ufoolxumeenayaan manajirto jawaab culus oo ey shucuubta caalamka islaamk ey bixiyeen marka lagareebo dalal dhowr ah.sida suudaan iyo iiraan iyo bakistaan. .2.. waxaa in badan reer yurub iyo mareekanka maqleen magaca n.m.c.s. halka kuwakalena ay soo islaameen .halka kuwa muslimiin ahaa ey sifiican diinta uqabsadeen waayo waxabadan ayaa lafahmay …ok waxaa wacan in labarto n.m.c.s.w oo lajeclaado oo lanooleeyo sunnadiisii taas ayaa ruuxkasta looga baahanyahay. Waxaa in muslimiinta ey ilaashaan hsarafta n.m.c.s.w oo ey kadhiidhiyaan wixii foolxumeenaya . Mowliidka iyo umadaha caalamka Dhammaan dalalka muslimiinta oo dhan marka laga reebo sucuudiga waxaa jirta in laga ixtifaalo oo mowliidka N.M.C.S.W. uu kasocodo bisha barakada badan ee rabi'ul awal oo ah bishii uu dhashay N.MC.S.W..laakiin shacabka sucuudiga intiisa aan kufakir aheen wahaabiyada waa ay ixtifaalaan ..xitaa dalka jamhuuriyadda islaamiga ee iiraan xitaa waa ay qabtaan xafladdan mowliidka , waxaana dalalka qaarkooda ey siiraaciyaan bisha kale oo kuxigta bisha rabiicul awal ama bisha mowliidka oo ah rabiicuthaani ,oo sidaas ayay kuxusaan N.M.C.S.W labadaan bilood sida dalka siiriya . Dalalka caalamul –islaami ayaa siweyn uqbata xafladda bisha suubahu uu dhashay oo heer dowladeed iyo wazaaradeed ayay kuqbataan sida dalka maser iyo pakistaan iyo liibiya iyo suudaan iyo dalalkale oo faro badan .,halka dalalka qaarna ey cafis siiyaan maxaabiista uxiran ,kuwakalna waxay soobandhigaan awoodaha iyo hor-umarkooda bisha barakadabadan ee mowliid. Asbaabaha sababay in aan la'ixtifaalin xiligii N.M.C.S.W uu noolaa. Waxaa jirta asbaabo faro badan oo sababtay in aan la ixtifaalin waqtiyadii uu noolaa n.c.s.w.waxaana kamid ah .. 1- waxa ay asxaabta kumashquulsanaayeen dhidibeenta qawaacidda islaamk taasoo ayaan siinin in umuurtaan iyo umuurokale ey waxkaqabtaan 2- waxaa lajooga asxaabta n.c.s.w. oo maxaasababikara in ey ixtifaalaan waayo wajigiisii nurkabanaa ayaa kahor muuqda . N.B.(F.G). 1. XAASIDNIMO.2. JAHLI.AMA CILMIYARI….3…TACASUB AMA TAAGEERO INDHAO LA'AAN AH … INTAAS IYO UMUUROKALE WAXAY SABABAAN IN UU RUUXU ISKADIIDO SI ADDILO LA'AAN AH XAQQA WAXAAN KAMID AH MOWLIIDKA . Qolooyinka diidan mowliidka oo yiraahda waa bidco waxa ay abuureen bidcooyin aan sal kulaheyn islaamk dhexdiisa sida :- 1- dadka uu lagu aruuriyo salaadda tahajudka hal imam oo kaliya . 2- in habeenka 29 loodaayo khatimka qur'aanka sida dhacda masjidulxaram . )3- hadlaka inka naadiya ee dhahay صلاة القيام أثابكم الله) 4- in ey qeebiyeen towxiidkii islaamk oo 3uqeebiyeen 1- towxiid rubuubiyah 2- towxiidul uluuhiyah 3- towxiidul al-asmaa wal-sifaat oo aan n.c.s.w. waxkalasocon umuurtaas .iyo umuurakale oo aan maqaalooyinkale si waafi ah ugu sharxidoono . Hadlaka sheekh ibnu teemiyah oo intabadan u'nisbo sheegtaan )Waxa uu dhahay sheekh ibnu teemiyah والله قد يثيبهم علي هذه المحبة والأجتهاد ( . Oo macnihiisu yahay ilaah ayaa ka abaalmarinayaayo qolooyinka suubiya ixtifaalka n.c.s.w. Taariikhda mowliidka Sida uu sheegayo imaamu ibni kathiir r.c.kitaabkiisa البداية النهاية ص/13-136 "Waxaa bilaabay boqorkii la uranjiray malik mudafar abuu saciid kowkabri oo ahaa deeqis caan ah .. waxaa uu ahaa boqorkaas geesi caalim caadil caaqil .. waxa uu bixinjiray 3000diinaar ah " isla sheekh xaafid al-dahabi ayaa kahadlaya boqorkaas oo waxa uu leeyahay " waxa uu ahaa nin isliida oo wanaagsanbadan oo sunni ah oo jecel fuqahada iyo muxadithiinta " Cudurdaar iyo marmarsiinooyin aan jirin Waxa ay kumarmarsiyoodaan asxaabta diidan mowliidka marmarsiinooyin aan waxkajirin waxa ayna kudoonayaa in ku halleeyaan sumcadda mowliidka oo mujtamaca ayay kudhexfaafiyaan marka uu dhasho mowliidka Waxaana kamid ah :- 1.. bishii munkarka ayaa dhalatay – waahadal aan loofiirsan oo waxyeeleenaya caqiida muslimka iyo iimaankiinkiisa waayo ma'ahan arin sahlan in bishii uu dhahay .n.m.c.s.w. lagu tilmaamo waana dacaayad rakhiis ah oo wax minco ama xikmad aan kujirin . 2- dadka mowliida intoodabadan waa faasiqiin:- waa cajiib waxaa layaableh markii ey waxkale waayeen ayay asxaabtaan ku andacooneesaa in mowliidka ay qabtaan dad aan kufiicneen diinta oo faasiqiin ah taasina waa been oo waxaa qabta mowliidka somaliya intaan lasocdo culimo iyo macalimiin iyo ardayda qur'aanka iyo xerta culuumta barata iyo muxibbiinta n.m.c.s.w. jecel mana ahan faasiqiin.( كبرت كلمة تخرج من أفواهمم إن يقولون إلا كذبا) 3. niman iyo haween ayaan iskudhexkushaaxa :- Warkaasna waxba kamajiraan oo intaan kawarheyno haweenkana meel ayay kadhageestaan kheeraadka nimankana meelkale .oo waxkajira malahan waxaan leenahay ( قل هاتوا برهانكم إن كنتم صادقين ) Keena caddeemo muuqda ,waxan kaloo kujawaabayaa iska hubiya isha wararkaas oo kale idiin sootabineesa قال تعالي :- ( يائيها الذين أمنوا إن جاءكم فاسق بنبإ فتبينوا قبل أن تصيبوا قوما بجهالة فتصبحوا علي مافعلتم نادمين ) Culimada aan sooxunay mawada faasiqiinbaa ,taas waxaan ufahmayaa xaasidnimo oo sida uu shaacir carbeed dhahay إذا أراد الله نشر فضيلة * طوبت أتاح لها لسان حسود Marka uu ilaah ruux siiyo nicmo ayay dhacdaa in laxasdo . Waxaa kaloo lalayaabaa hadlaka ah maalinta uu dhashay n.c.s.w. waa maalintii uu xijabtay oo ah malin xuzni ah .jawaabteeda waxa aytahay sida uu imam suyuudi kujawaabay oo ah 1.. xijaabashada n.c.s.w.waa malin weyn .,dhalashadiisana waa malin weyn laakiin shareecada wax ay na'amartay in aan muujino mahadnaqa nicmadaha iyo in ladulqaato oo laxasali marka ay dhacdo musiibooyinda sida ey shareecada na amartay marka uu dhasho dhalaan waa in lagu farxaa oo waxaa jira in lagowraco (caqiiqda) ama xoolaha yixda laakiin nalama amrin in lagowraco yixdaas marka uu dhinto dhallaankaas " Hadalkaan waxa ay qoraya kitaabka. الحاوي الصغير للحافظ السوطي ص/193 طبعة دار الكتب العلمية 4- waa lagabadbadiyay n.c.s.w. Waxaa cajiib ah hadalada aan loofiirsan ee ruuxo nuucaan ah oo kale uu kuhadaayaqayo waxaa ilaah uu siiyay n.c.s.w. darajo weyn taas ayaa muan in lasheegsheego ee majiraan kabadbadin ama buunbuunin oo waa la'ammanaa n.c.s.w waxkalena majiraan waxaana kamid ah ammaanta in uu rasuulkii iyo addoonkii uu ahaa iyo waxlamid ah majirto cid kuhadaaqda sidii reer .n.ciise c.s.w. uu dhahay waa wiilkii ilaah ..أعاذنا الله منها Sida uu imam buusuri uu kuleeyahay kitaabkiisa burdaha" unsibee n.c.s.w sharafta intii aad awoodo maxaayeelay fadhligiisa xadmalahan taasoo ninka suugaanta yaqaan ee aftahanka ah uu kaga af-goosankaro وانسب الي ذاته ماشئت من شرف * وأنسب الي قدره ماشئت من عظم فإن فضل رسول الله ليس له ** حد فيعرب عنه ناطق بفم Adilada ixtifaalka mowliidka ) 1.. aayado farabadan .. sida قل بفضل الله وبرحمته قبذالك قليفرحوا هو خير مما يجمعون) وقوله تعالي :- ( وأفعلوا الخير لعلكم تفلحون ) Oo macnaheedu uu yahay in lagu farxo raxmadda ilaah uu Sida uu imam suyuudi leeyahay ibnucabbaas ayaa kufasiray n.m.c.w.iyo aayadda kale ee macnaheedu ayahy 'suubiya kheyrka waxaad mudantihiin in aad liibaantaan' 2… (وماأرسلناك الا رحمة للعالمين) …..Xaddiiska:--- n.c.s.w. uu kudhahay ) من سن في الأسلام سنة حسنة فله أجرها وأجر من عمل بعده من غير أن ينقص من أجورهم شيئ) Oo macnahiisu uu yahay ruuxii bilaabaa sunno wanaagsan islaamk dhexdiisa waxa uu leeyahay ajirkeeda iyo ajirka ruuxii kucamalfalay ee kadambeeyay ayadoo aan ladhimin ajirkoodii waxba) 2- ijmaaca culimada oo dhan Sida uu n.m.c.s.w. uu kuleeyahay xadiithkaan oo ah ( لاتجتمع أمتي علي ضلال ) Oo macihiisu yahay umaddeedu kumakulanto baadi . s.c.w.s. Hadalada culimada islaamka 1.. imam xaafid al-casaqalaani:- waxa uu leeyahay asalka camalka mowliidka oo ah in dadka ey kulmaan oo ah in la'aqriyo qur'aanka iyo akhbaarta kutimid hor-udhicii n.m.c.s.w iyo wixii dhacay ee aayadaha oo markaas lafidiyo darmaha si dadka looquudiyo oo sidaas kufaataxeestaan waa bidco wanaagsan waana la'iska abaalmarinayaa ninkii suubiya waayo waxaa kujira weyneenta rasuulka m.c.s.w iyo lamuujiyo farxadda ku began dhalashadiisa wanaagsan ". 2. imam suyuudi waxa uu kuleeyahay kitaabkiisa حسن المقصد في عمل المولد ) Safxada 189 asagoo kajawaabaya su'aal laweydiiyay oo aheed kawaran mowlidka ? marka imaamku waxa uu dhahay .. waxaan ii muuqday asalka mowliidka oo ah xadiith n.c.s.w. lagawariyay oo kahadlaya in uu n.c.s.uu soogalay maddiina markaasna ay magaalada uu kahelay in reer yahuud ey soomanyihiin ,waa uu weydiiyay n.c.s.w. markaa ayay waxay dhaheen waa maalintii ilaah uu kuhafiyay fircoon badda uuna badbaadiyay n.muuse c.s.w. marka sidaas ayaan usoomanahay ayay kudhaheen n.c.s.w. oo ilaah ayaan uga mahadcelineenaa arrinkaas markaas ayuu imaamku waxa uu leeyahay waxaa laga faa'iideesanayaa xadiithkaan in loobaahanyahay in lagu mahadceliyo ilaah waayo waxa uu ilaah nasiiyay naicmad ..markaas ayuu sheekhu isweydiinayaa oo waxa uu leeyahay waatee nicmadda kaweyn soosaaridda ilaah uu soosaaray n.c.s.w Kitaabadii ey kaqoreen culimadii hore mowliidka 1…al-xaafid al-muxadith al-faqii |


Fadlan:- Waaa ay socotaa hambalyada bisha mowliid ee Kusoodir hambalyadaada e-mailka ah E-mail xalbisri2@hotmail.com Soonaraaci magaca iyo meesha aad joogto iyo e-mailka Jawaabta sidegdeg ah ayay kuusoogaareesaa walaal adoomahadsan.