Free Web Hosting Provider - Web Hosting - E-commerce - High Speed Internet - Free Web Page
Search the Web

Custom Rich-Text Page

hassan albasri sheikh hassan albasri important iform. picturs same of sunnalinks history1 history 2 mawlid nabi hor-udhac al-ma'muun school Sheikh Abukar H.malin xagjirnimo martida Guest Book maxkamadaha islamiga saxafadda DRhersi iyo fatwada soomka qabyaaladda subac.qur'an T.SH.UWEYS caqiido tartan shirararka ah. My Photos



SAXAAFADDA SOMALIYA   
 
Posted on Tuesday, January 16, 2007 - 02:50 AM 
  
Warbixin faahfaahsan oo ku saabsan idaacadaha Shabelle,Hornafrik,IQK Iyo Telefeshionka Aljazeera maxaa dawladu ku haysataa.
Maalinimadii shalay ayaa la xiray Saddex Idaacadood oo ka howlgala magaalada Muqdisho iyo xaruntii Telefishinka Af-Carbeedka ku hadla ee Al-JAzeera, kadib markii qoraal ku saabsan arrintaasi uu ka soo gaaray xafiiska NAbadsugidda Gobolka Banaadir, isla markaana looga dalbaday Agaasimayaasha hay'adahaasi warbaahineed inay manta afarta saac yimaadaan xarunta oo ku taala agagaarka FIAT si loola socodsiiyo arrimo iyaga khuseeya sida lagu caddeeyay qoraalka Nabadsugiida gobolka.
 
Haddaba amarka ka soo baxay Dowladda Federaalka isla markiiba way aqbaleen maamulayaasha Warbaahinta la faray inay joojiyaan howlahooda Saxaafadeed, iyadoo xalay gebi ahaanba laga waayay mowjadihii ay ka soo geli jireen hawada, hase yeeshee tallaabada ay ku dhaqaaqday Dowladda Federaalka waxaa ka yimid su'aalo fara badan, inkastoo xubno ka tirsan ururrada bulshada ay si cad u sheegeen in arrintani aanay ku ekeyn oo kaliya caburin Saxaafadeed balse ay tahay ku xadgudub axdiga Federaalka KMG ah.

Su'aalaha la isweydiinayo ee ku wajahan xiritaanka Idaacadahan waxaa ka mid ah: Maxay tahay sababta loogu gooni yeelay howl joojinta saddexda Idaacadood, maadaama ay magaalada Muqdisho ka furan yihiin Idaacado fara badan?
Ma Dowladda ayay wax ka sheegeen?, Ma heyb qabiil ayaa loo baacsanayaa?, Ma waxay la jaan qaadi waayeen hannaanka Dowliga ah ee dalka ka jira?, Ma xorriyadda Saxaafadda ayay meel uga dhaceen? Iyo su'aalo kale oo badan ayay dadku isweydiinayeen, hase yeeshee inta badan dadka Muqdisho intooda badan iskuma mashquulin inay ogaadaan sababtii rasmiga ahayd, inkastoo Aqoonyahanada Gobolka Banaadir ay arrintan ku tilmaameen mid ay filayeen balse aanay sii saadaalin Karin tallaabada ay dowladdu ka qaadaneyso Idaacadahaasi oo si xuduud lahayn ugu tuntay xorriyadda Saxaafadda.
Labada Idaacadood ee HornAfrik iyo Shabelle ma yara sababtii ka dambeysay inay albaabada u laabaan, waxaana xusuus gaar ah mudan sida ay uga qeyb qaateen oo ay keli ku noqdeen inay buunbuuniyaan wax kasta oo ka horjeeda dowladda Federaalka, taasoo aanay geed ugu soo gabban inay dhulka la gasho saxansaxada dowladnimo oo marba marka ka dambeeya isa soo tareysay ilaa ay ka soo gaarto magaalada Muqdisho, waxaana laga hayaa mid ka mid ah labada Idaacadood inuu yiri "Anagu ma dooneyno Ciidamo Itoobiyaan ah, waana la dagaalameynaa Maxkamadaha ayaana taageersanahay".

Idaacadda saddexaad ee IQK ninka milkiilaha ka ah ee lagu magacaabo Daahir Geelle waxa uu xubin ka tirsanGolaha Shuurada, isagoo ka qeyb galay labadii shir ee ka dhacay magaalada Khartoum, iyadoo wararka Idaacadda laga sii daayana si cad uga horjeeday Dowladda Federaalka oo ku tilmaami jiray dowlad dabadhilif u ah Itoobiya, hase yeeshee marka loo fiiriyo tallaabada laga qaaday iyo dembiyada loo tirinayo waxayba shaki gelinayaan in Idaacadaasi IQK ay mar kale dib u howlgasho, maadaama Idaacadaasi ay maalgelinteeda ay lug ku leeyihiin Hay'ado Carbeed.

Aan u soo noqono Idaacadood ee Shabelle iyo HornAfrik oo milkiilayaashoodu ka soo jeedaan hal jufo oo kaliya, way sii kala daran yihiin qaabka ay u howlgalaan, inkastoo ay ka siman yihiin difaacida danaha beeshooda oo horseed ka ahaa Maxkamadihii looga itaalka roonaaday ee firxadkooda laga baadi goobayo keymaha u dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya, balse waxaa laga rajo qabaa in kulanka maanta dhex maraya Maareeyayaasha qeybaha Warbaahinta iyo Dowladda Federaalka ay ka soo baxaan go'aano dhaxalgal ah, taasoo ku imaan karta haddii ay labada dhinac isku afgartaan, waxaana ugu dambeyntii leeyahay Ha waarto xoriyadda Saxaafadda.

Jabriil Maxamuud Nuur
jabriil@journalist.com
Somaliweyn Media Center

NB.Xigasho, Xuquuqda qormada www.somaliweyn.com



Cabdinuur Mohamed Seeraar
Qalay2005@hotmail.com
Maamulka Webka: Fadlan kusoodir wixii war ama talo ama macluumaad kale ah Email:qalay2005@hotmail.com/bishaar100@hotmail.com/webmaster@allmudug.org
Email Story Printable View